
Saameynta Shaashada ay ku leedahay Koritaanka iyo Caafimaadka Maskaxda Carruurta
Dunida casriga ah ee maanta, shaashadaha ayaa noqday qeyb ka mid ah nolosha maalinlaha ah. Carruurta, gaar ahaan kuwa da’doodu yar tahay, waxay helaan fursado badan oo ay shaashadda u isticmaalaan ciyaaro, daawasho iyo waxbarasho. Laakiin su’aasha muhiimka ah ayaa ah: maxaa saameyn ah oo ay shaashaddu ku leedahay caafimaadka iyo koritaanka caruurta? 1.Saameynta Maskaxeed iyo Dareen Cilmi-baarisyo badan ayaa muujisay in waqti badan oo shaashadda lagu qaato ay la xiriirto hoos u dhaca awoodda feejignaanta, xasuusta iyo fahamka caruurta. Carruurta si joogto ah u isticmaala shaashadaha waxay u nugul yihiin dhibaatooyinka sida: •Dhibaato xagga hurdada ah (sababta oo