Saameynta Shaashada ay ku leedahay Koritaanka iyo Caafimaadka Maskaxda Carruurta

Dunida casriga ah ee maanta, shaashadaha ayaa noqday qeyb ka mid ah nolosha maalinlaha ah. Carruurta, gaar ahaan kuwa da’doodu yar tahay, waxay helaan fursado badan oo ay shaashadda u isticmaalaan ciyaaro, daawasho iyo waxbarasho. Laakiin su’aasha muhiimka ah ayaa ah: maxaa saameyn ah oo ay shaashaddu ku leedahay caafimaadka iyo koritaanka caruurta?

1.Saameynta Maskaxeed iyo Dareen

Cilmi-baarisyo badan ayaa muujisay in waqti badan oo shaashadda lagu qaato ay la xiriirto hoos u dhaca awoodda feejignaanta, xasuusta iyo fahamka caruurta. Carruurta si joogto ah u isticmaala shaashadaha waxay u nugul yihiin dhibaatooyinka sida:

•Dhibaato xagga hurdada ah (sababta oo ah iftiinka buluuga ah ee shaashadaha)

✓Isku buuqa iyo xanaaqa badan

✓Kalinimo iyo hoos u dhaca xiriirka bulshada

2. Saameynta Koritaanka Jirka

Marka carruurtu waqti dheer fadhiyo ugu jiraan daawashada shaashadda, waxay yaraysaa dhaqdhaqaaqooda jireed. Tani waxay keeni kartaa:

•Miisaan korodh aan caafimaad ahayn

•Murqaha oo liita

•Dhibaatooyin xagga aragga ah

3. Saameynta Xiriirka Bulshada

Shaashaddu waxay beddeshay qaabka ay carruurtu ula falgalaan waalidiinta, walaalaha iyo caruurta kale. Waqtiyada muhiimka ah ee is-dhexgalka qoyska ayaa mararka qaar lagu beddelaa daawashada TV ama ciyaarista ciyaaraha elektarooniga ah, taasoo dhaawac u geysan karta xirfadaha bulshada ee caruurta.

4. Talooyin Waalidku ku yarayn karo Saameynta Shaashada

Xadid isticmaalka shaashadda (tusaale: < 1 saac maalintii carruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano)

Kula wadaag waqtiga shaashadda si aad ula socoto waxa ay daawanayaan

U samee jadwal ay ku jirto ciyaar banaanka ah, akhris iyo is-dhexgal qoyska

• Ka fogee shaashadaha hurdada ka hor ugu yaraan 1 saac

Gunaanad:

Shaashaddu waxay leedahay faa’iidooyin haddii si xikmad leh loo isticmaalo, balse waxaa muhiim ah in waalidku door ka qaato xakameynta iyo kormeerka isticmaalka carruurta. Horumarka maskaxeed iyo midka jidheed ee caruurta waxay u baahan yihiin isdhexgal toos ah, dhaqdhaqaaq jireed, iyo hurdo ku filan – dhammaan waxyaabahaasna ay saameyn ku yeelan karaan shaashadaha haddii aan si sax ah loo maarayn.

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *