Xanuunka Macluumaadka Badan (Information Overload Syndrome)

Xanuunka Macluumaadka Badan (Information Overload Syndrome)

Waa xaalad qofka uu dareemo inuu culays saaran yahay sababo la xiriira helista macluumaad aad u badan waqti kooban gudaheed, taasoo ka dhigaysa mid adag in la fahmo ama go’aan sax ah la gaaro. Tani waxay noqotay caadi maadaama tiknoolojiyadda casriga ah iyo warbaahinta bulshadu (Social media) ay si joogto ah u keenayaan xog cusub.

Calaamadaha:

1. Daal Maskaxeed: Maskaxda oo daasha ka dib markii ay la tacaasho xog fara badan.

2. Dhibaatada Diiradda Saarista (focus) : Ku adkaanshaha in hal shaqo diiradda la saaro.

3. Walbahaar iyo Walwal: Dareen culeys ah oo sababa welwel.

4. Go’aan Qaadasho Liidata: Dhibaatada mudnaanta siinta ama go’aan ka gaarista.

5. Dhibaato Xagga Xusuusta ah: Hilmaamid xog muhiim ah sababo la xiriira badnaanta xogta.

6. Hoos u Dhaca Wax Soo Saarka: Ku adkaanshaha in hawlaha si fiican loo dhammaystiro.

 

Sababaha:

1. Isticmaalka Badan ee Internet-ka: Waqti badan oo lagu bixiyo warbaahinta bulshada, Tiktok ,Facebook ama barnaamijyada kale.

2. Shaqada Isku Dhafan: Isku dayga in la qabto shaqooyin badan hal mar.

3. Xogta Aan La Kala Saarin: Helista xog aan muhiim ahayn ama aan la shaandhayn.

 

Talooyin Lagu Xakameyn Karo:

1. Samee Xad: Xaddid wakhtiga aad ku bixiso qalabka elektaroonigga ah, samee waqti aad ka nasato.

2. Mudnaanta Siinta: Diiradda saar xogaha muhiimka ah iyo kuwa aadka loo baahan yahay.

3. Adeegso Aalado: Isticmaal barnaamijyo kuu sahlaya inaad xogta abaabusho ama shaandhayso.

4. Samee Jimicsi Maskaxeed: Ku dhaqaq fakarka deggan (mindfulness) si aad culayska uga yareyso.

5. Nasasho Qaado: Ka naso qalabka elektaroonigga ah mararka qaarkood.

Gunaanad

Xogtu waa awood, laakiin marka ay badato waxay keeni kartaa walwal iyo wax soo saar la’aan. Adiga oo dejinaya xuduudo iyo mudnaanta siiya waxa muhiimka ah, waxaad heli kartaa xasillooni maskaxeed iyo nolol wanaagsan.

💡 Xusuusnow: Way fiican tahay inaad ka baxdo internet-ka si aad maskaxdaada ugu xoojiso. 💡

Maxaad u isticmaashaa si aad ula tacaasho xad-dhaafka macluumaadka? Fikradahaaga hoos noogu reeb! 👇

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *